Daariz Somali logo Daariz Somali

Daariz Somali

by Sahamiye Foundation

🗂️ Education

🆓 free

4.9/5 ( 433+ reviews)
Android application Daariz Somali screenshort

Features Daariz Somali

Daariz waa barnaamij xiiso leh, bilaash ah oo si fudud kaaga caawinaya barashada akhriska iyo qoraalka Af-Soomaaliga goobkasta iyo goorkasta oo aad joogto.Akhriska Af-Soomaaligu waxa uu lama-huraan u yahay waxbarashada, shaqada, xidhiidhka ehelka, adeegyada tignoolajiyadda cusub sida Zaad ama E-dahab iyo adeegsiga baraha bulshada oo ah waaga cusub ee wada-xidhiidhka iyo xog-helidda wakhtigan casriga ah.Haddii aad tahay qof hadda bilaw ah iyo haddii aad aqoon kooban u leedahay afka Soomaaliga oo aad rabto in aad kordhisato, barnaamijka Daariz waa habka ugu habboon ee aad si dhakhso ah ugu baran karto Af-Soomaaliga.Haddaba si aad u bilawdo geeddiga aad akhriska ku baranayso ama aad cid kale ku barayso, la soo deg barnaamijka Daariz.
Waxa aad ka heli doontaa boqollaal cashar iyo laylisyo.
Waxa intaa kuu dheer, sheekooyin kala geddisan oo aad dhammaantood heli karto adiga oo aan wax khad (Internet) ah u baahan.
Taasi waxa ay kuu suuragelinaysaa in aad goob kasta iyo goorkasta wax ku baran karto.Waxbarashadu waa in ay noqotaa mid uu ardaygu xiiseeyo.
Sidaasi darteed, mar kasta oo aad cutub ama cashar dhammeyso, waxa aad ku guuleysan doontaa neefaf geel ah (oo daruuraha kuugu xareysan!).
Waxa aad kula tartami kartaa saaxiibbadaa adiga oo tirsanaya inta halaad ee aad ku guuleystay muddadii aad Daariz wax ka baranaysay.Waxa aannu Daariz kusoo kordhin doonnaa barnaamijyo qofka akhriska bartaa ka heli doono waxbarashada dugsiyada oo la soo koobay iyada oo loogu talogalay dadkii aan fursad u helin in ay dugsiyol galaan.
Barnaamijyadan oo bilaash ahi waxa ay suuragelinayaan in qofkii dedaal la yimaaddaa uu imtixaan u fadhiisto oo qaato shahaadadaha waxbarashada.Haddii aad ka heshay barnaamijkan, fadlan xiddigaha qiimaynta shan na sii!

Secure & Private

Your data is protected with industry-leading security protocols.

24/7 Support

Our dedicated support team is always ready to help you.

Personalization

Customize the app to match your preferences and workflow.

Screenshots

See the Daariz Somali in Action

Daariz Somali Screen 1
Daariz Somali Screen 2
Daariz Somali Screen 3
Daariz Somali Screen 4

Get the App Today

Download on Google Play

Available for Android 8.0 and above